Kaamam firfircooni badan

Dhawaan waa fasaxii xagaaga! Ku soo biir kaamamka!

Hoos waxaa ku qoran warbixin ku saabsan kaamamka kala duwan ee ay degmadu soo bandhigayso inta lagu jiro fasaxa xagaaga 2020. Kaamamkani waa lacag la'aan, cuntadu way ku jirta dhamaan kaamamka/goobaha loo hoyanayo iyo kuwa maalintii labadaba waxayna soconaysa ilaa qadada. Kaamamka galabtii oo kaliya, cuwaaf ayaa lagugu marti qaadi doonaa. Haddii aad xiisaynayso mid ama qaar ka mid ah kaamamkan, waxaad ku soo gudbineysaa cosiga isku xirka (länken) bogga internetka ee hoos ku qoran, waa muhiim inaad galiso cinwaan e-mayl oo sax ah marka warbixinta lagu soo dirayo e-maylka. Fadlan ogow in tani ay tahay codsi, kuuma dammaanad qaadeyno boosaska maadaama tirada boosaska kaam kasta ay xadidantahay. Warbixinta boosaska waxa la soo bandhigi doonaa horraanta bisha Juun.

Kaamka Holmarna

Adigu hadii aad dhalatay 2007–2009
Goorma: Todobaadka 24 Arbacada ilaa Jimcaha, 10–12 Juun, 10.00 - 15.00.
Todobaadka 25 Isniinta ilaa Khamiista, 15–18 Juun, 10.00 - 15.00.
Ku soo biir kaamka hawo qaadashada ee Holmarna ee ku agtaal Vederslövssjön, fursad u hel si aad khibrad ugu yeelato dabeecadda iyo in aad la kulanto saaxiibo cusub. Waxaan dibedda ku karsanaynaa cunto oo waxaan tijaabinaa wax kasta oo bay'adda bannaanka iyo dabeecadda na ay na siiyaan. Maalin kasta waa inoo maalin cusub.

Kaamka E-isboortiga ee maktabadda

Adigu hadii aad dhalatay 2004–2006
Goorma:
Todobaadka 25 Talaadada ilaa Khamiista, 16–18 Juun, 13.00-17.00
Todobaadka 26 Talaadada ilaa Jimcaha, 23–26 Juun,13.00-17.00
Todobaadka 27 Talaadada ilaa Jimcaha, 30 Juun -3, 7 Luulyo, 13.00-17.00
Todobaadka 28 Talaadada ilaa Jimcaha 7–10 Luulyo,13.00-17.00
Todobaadka 29 Talaadada ilaa Jimcaha 14–17 Luulyo, 13.00-17.00
Todobaadka 30 Talaadada ilaa Jimcaha, 21–24 Luulyo, 13.00-17.00
Hadaad jeceshahay in aad ciyaarto ciyaaraha kombuyuutarka iyo e-isboortiga markaas tani waa goobtaadi. Isla ciyaara, ismaaweeliya oo midba midka kale wax ha ka barto. Waxaan ciyaaridoonaa sida Fortnite, League of Legends, CS-GO, FIFA20 iyo ciyaaraha VR.

Xerada fardo fuulka ee Lammhult

Adigu hadii aad dhalatay 2006–2012
Goorma: Todobaadka 25 Khamiista, 18 Juun, 10.00-15.00
Maalin dhan oo loogu talagalay kuwa xiisaynaya fardaha iyo ciyaaraha fardo fuulka. Maalinta waxaa ku jira daryeel faras, socdaallo qurxoon iyo dabcan fardo fuul.

Kooxda Muusikada ee BG

Adigu hadad dhalatay 2004–2007
Goorma: Todobaadka 26 Isniinta ilaa Khamiista, 22–26 Juun
Todobaadka 27 Isniinta ilaa Khamiista, 29 Juun-3 Luulyo
Goob ay ka buuxaan muusig. Baro inaad ciyaarto oo aad ku horumarto qalabkaaga adoo la tumaya kooxda muusiga. Kooxda musigu wuxuu ku dhamaan doonaa badhig heeseed aad ugu soo bandhigeyso waxa aad baratay ehelkaaga, asxaabtaada iyo dadka aad isbarteen.

Kaamka Areenada

Adigu hadad dhalatay 2010–2013
Goorma: Todobaadka 26 Isniinta ilaa Khamiista, 22–26 Juun, 09.00-15.30
Afar maalmood oo isdabajooga ah ayaa lagu qaban doonaa Areenada. Galinka hore waxaa jiri doona kubbada cagta, kubbadda xeegada, jimicsi iyo ciyaaraha fudud oo ay wehelinayaan Växjö DFF, Växjö Vipers, Dackegymnasterna iyo IFK Växjö iyo gelinka dambe waxaad tijaabin doontaa ciyaaraha kale marka ururada ka socda Växjö ay booqasho ku yimaadaan.

Kaamka/goobta IT

Adigu hadaad dhalatay 2004-2010
Goorma: Todobaadka 26 Isniinta ilaa Jimcaha, 22-26 Juun, 10.00-15.00
Tani waa goob laguugu talo galay adiga cida danaynaya barnaamijeynta kombuyuutarka. Halkaan waxaad ku baran doontaa sida loo barnaamijeeyo micro:bit iyo sida loo abuuro ciyaaraha kombiyuutarka isla markaana aad la kulanto kuwa sidaada oo kale xiisaynaya barnaamijkan.

Kaamka Gabdhaha

Adigu hadii aad dhalatay 2004–2007, (xasuus: waa inaad dabbaasha taqaan).
Goorma: Todobaadka 27 (waxa la baxayaa Axadda todobaadka 26) Axad-Talaado 28–30 Juun. Kaamka habeen-dhaxa ee Skuggebo waxa u dhow dhul dabiiciya oo ku dhinac yaal Sjön Rusken. Halkan waxaan ku qaadan doonaa maalmo xiiso leh oo ay ku jirto wax falanqayn, aqoon isweydaarsiyo, tacabbir iyo madadaalo.

Kaamka Gabdhaha

Gabdhaha dhashay 2007–2009
Goorma: Todobaadka 27 Isniinta ilaa Arbacada, 29 Juun -1 Luulyo
kaamka habeen dhaxa oo ku taal beerta firaaqada ee Fagrabäck. Dood-wadaag, aqoon isweydaarsiyo, aqoon isweydaarsiyo hal abuur leh iyo meelo xiiso leh ayaa ka buuxa maalmaha. Ka faa'iideyso fursad oo ku baro saaxiibo cusub isla markaana isku madadaaliya.

Xerada fardaha Braås ponny iyo ururka fardaha

Adigu hadii aad dhalatay 2008–2011
Goorma: Todobaadka 31 Talaadada ilaa Khamiista, 28–30 Juulaay, 10.00 - 15.00
Todobaadka 32 Isniinta ilaa Khamiista, 3–6 Ogast, 10.00- 15.00
Run ahaantii xeradani waxay ku siinaysaa fursad aad ku tijaabiso waxa ay tahay ciyaaraha fardo fuulka ee adduunka. Baro sida loo daryeelo fardaha iyo dabcan baro sida loo wado.

Haddii aad su'aalo qabtid, fadlan la xiriir Anna Lagrelius 0470-41191
emayl: aktivtlager@vaxjo.se

Intresseanmälanlänk till annan webbplats, öppnas i nytt fönster
Guji xiriirinta si aad isku diiwaangeliso.
OPEN from april 14 to may 20.

Skriv ut
Senast uppdaterad: 17 april 2020
Se och göra